daajis.com:- Wararka ka imaanayo Magaalada Adis ababa ee Xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in kulan dhexmaray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Raisul Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen Xiriirka labada dalk, Ganacsiga, Ammaanka dalka Somalia, kaalinta Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ku leedahay xasiloonida dalka Somalia.
Recep Tayyip Erdogan oo la kulankiisa Ra'isul wasaaraha Itoobiya ahmiyad gaar ah kusiinaayay in Ciidamada Itoobiya ay muujiyaan kaalin wanaagsan ee dhalinkarta rajo muujisa masiirka Somalia.
Recep Tayyip Erdogan ayaa inta uu kulanka la qaadanaayay madaxda dalkaasi u ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya dalka Itoobiya waxa uuna sheegay inay ka fulin doonaan mashaariic hormarineed.
Labada dal waxa ay kala saxiixdeen Heshiisyo dhowr ah oo muujinaayo Hanaan ganacsi oo dhexmara labada dal ee Turkiga iyo Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ayaa ahmiyad gaar ah siineysay booqashada Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Adis ababa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at