daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu ugu soo dhoweeyay wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo la filayo in goor dhow uu soo gaaro.
Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay magaalada Riyadh oo ay maalin ka hor u tageen gudashada tacsida boqorkii geeriyooday ee dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin C/casiis.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo markii uu ka soo degayay ay ku soo dhoweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.
Diyaar garow ballaaran ayaa ka socda garoonka diyaaradaha oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Turkiga oo ka soo kicitimi doona dalka Jabuuti oo uu xalay ku hoyday, calamada Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu xardhay wadooyinka.
Sidoo kale waxaa xiran wadooyinka guud ee magaalada, iyadoo la diiday isu socodka gaadiidka, dadweynaha ayaa lugeynaya wadooyinka qaar, balse waxaa loo diidayaa wadooyinka la filayo inuu maro Madaxweynaha Turkiga.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa diyaar garowga lag soo dhoweynayay Madaxweynaha Turkiga uu ahaa mid aad u ballaaran, iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:52 and have
, Published at