daajis.com:- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in Markab kusoo xirtay dekedda magaalada Berbera laga helay hub kala duwan oo aan la ogeyn halka uu ku socdo.
Markabkan oo lagu magacaabo MV Shakir ayaa wuxuu u rarnaa ganacsato Somaliland ka soo jeeda, iyadoo Waran-cadde uu sheegay in markii markabkan laga dajiyay badeecad gaadiid ahayd oo uu waday Soomaliland lagu arkay qaybta hoose hub isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culus.
“Hubka uu markabkan wado wuxuu isugu jiraa kuwo culus iyo kuwo fudud oo ay ka mid yihiin beebayaal iyo gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu isticmaalaan, baaritaan ayaana halka uu ku socdo,” ayuu yiri Waran-cadee.
Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in markii ay wareysteen kabtankii markabka uu u sheegay in laga soo saaray dekedda Port Sudan ee dalka Suudaan, laakiinse aanay la socon halka uu ku socdo.
“Kuma aysan jirin hubka uu markabkan wado qoraalkii uu soo gudbiyay ee ku saabsanaa shixnadda uu Somaliland u wado, marka waxaan wadnaa baaris dheeraad ah. Markabkanna waa mid meelo badan soo maray ka hor intii uu imaan dekedda Berbera,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Warar kale oo madaxbanaan oo la helayo ayaa sheegaya in katankii markabka loo taxaabay xabsiga, kaddib markii uu sheegi waayay meesha rasmiga ah ee hubkan u wado iyo cidda iska leh.
Dhanka kale, hubka uu markabkan waday ee lagu qabtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen; hal kaare ama taangi, hal beebe iyo 10 gaadiidka dagaalka ah oo ay ku raseysan yihiin hub fudud iyo rasaas fara badan.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa qaarkood sheegaya in kabtankii waday markabkan uu sheegay in hubkan uu ku socday Soomaaliya dalal ay ka mid tahay, iyadoo haatan xabsiga Berbera su’aalo lagu weydiinayo.
Wixii kasoo kordha hubkan iyo halka uu ku socday waxaan haddii ALLE idmo idin kugu soo gudbin doonnaa wararka DMN ee soo socda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:11 and have
, Published at