Dowladda Jarmalka oo Taageertay Go'aan uu Gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh

Dowladda Jarmalka oo Taageertay Go'aan uu Gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh

daajis.com:-Danjiraha Dowladda Jarmalka u fadhiya Dalka Soomaaliya Andreas Peschke ayaa sheegay in Dowladiisa ay taageereyso Hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in Xafiisyada Dowladda lagu shaqeeyo luqadda Soomaaliga halka marsii horeysay laga isticmaali jiray Luqado kale.

Danjire Paschke waxa uu shaaciyay iney taageerayaan Horumarinta Luqadda Soomaaliga oo uu sheegay iney u dub dhaxaad u tahay Cadeynta Qaranka Soomaaliya siod kale ay cawineyso luqadda in la hello Qaran Mideysan Waxa ay abuureysaa ayuu yiri sido kale Wacyigelin ku aadan Dhaqanka iyo Taariikhda Dalka Soomaaliya.

Waxa uu sido kale sheegay Danjiraha Jarmalka u qaabilsan Dalka Soomaaliya Andreas Peschke waxa uu ku tilmaamay Talaabo taariikhi ah in Farta Soomaaliga la bilaabay in la qoro muddo ka badan 40 Sano ka hor.

Waxa uu intaasi raaciayay in Tan iyo markasi in ay jiraan aqoonyahano badan oo u dhashay Jarmalka kuwaas oo baranayay luqadda Soomaaliga iyo dhaqanka Dalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku faani karaan ayuu yiri Danjire Andreas Peschke Luqadooda iyo Dhaqankooda.


Ugu Dambeyntii Warkan oo ay baahisay Safaaradda Dowladda Jarmalka ayaa lagu sheegay iney Dalkasi soo dhaweynayaan in si rasmi ah loo xoojiyo luqadda Soomaaliga oo loo adeegsado Xiriirka iyo Waxbarashadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada