IGAD “Al-Shabaab ma awoodaan inay carqaladeeyaan soo dhaweynta Ordogan”

IGAD “Al-Shabaab ma awoodaan inay carqaladeeyaan soo dhaweynta Ordogan”

daajis.com:-War qoraal ah oo lugu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lu sheegay dagaallamayaasha Al-shabaab inaysan aqood ulahayn in ay carqaladeeyaan qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha turkiga Rajjab Dhayib Erdogan.

Sida waxaa lugu sheegay war ka soo baxay urur gobolleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin ka tahay,Waxaan qormada lugu muujiyay sida ay Muqdisho isagu diyaarisay soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga oo maalinta berri ah kusoo wajahan Soomaaliya.

“Al-Shabaab ma awoodaan inay joojiyaan diyaar-garowga soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan,” ayaa lagu yiri warbixinta urur-goboleedka IGAD ay soo saareen maanta oo Sabti ah.

IGAD ayaa warkeeda lugu sheegay inay ammaan u hayaan ammaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,Waxaana ay inta racaiyeen in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay go’aansadeen haatan in ay dib udhistaan dalkooda oo mudo kusoo jiray dagaal sokeeye,beesha caalamkuna ay lasafantahay Soomaalida midnimadooda.

Warka IGAD ayaa imaanaya iyadoo lafilayo in Madaxweynaha Turkiga Rajjab uu maalinta berito ah soo gaaro magaalada Muqdisho taa oo qeyb ka ah socdaal uu kumarayo qaar kamid ah wadamada qaarada afrika,isagoo haatan socdaalkiisa Mr dhayib kuqaadanaya wadanka Jabuuti.

Al-Shababab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hotel-ka SYL halkaa oo ay kulan kulahaayeen wafuud Turki ah kuwaa oo hordhac u ahaa safarka uu dalka ku imaanayo madaxweynaha Turkiga Rajjab Dhayib Erdogan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada