Wasaaradda amniga Soomaaliya oo mas’uuliyinta dowladda uga digtay in gaadiidka loogu xiro walxo qarxa

Wasaaradda amniga Soomaaliya oo mas’uuliyinta dowladda uga digtay in gaadiidka loogu xiro walxo qarxa

daajis.com:- Wasaarrada amniga qaranka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta dowladda u jeedisay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, si gaadiidkooda aan loogu xirin walxaha qarxa.

“Masuuliyiinta dawlada ee gawaarida wata waxaan uga digeynaa in waxyaabaha qarxa loogu xiro baabuurtooda markaasna marka ay marayaan xarumaha dawlada la qarxiyo.” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Yusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee dowladda ay ku howlan yihiin sugidda amniga magaalada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in aysan jirin wax waddooyin ah oo laga xiray shacabka, balse ay jiraan waddooyinka qaar oo loo xiray howlgallo ka socda awgood.


Afhayeenka ayaa bogaadiyay wada shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo ciidanka dowladda ee suga amaanka iyo sida ay shacabka u muujiyeen dulqaadka.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in aanay jirin wax caqabad ah oo dhinaca amniga ah oo ka jirta Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada