Madaxweyne Xasan oo Sacuudiga gaaray, si uu uga qeyb galo tacsida boqor Cabdalla: SAWIRRO

Madaxweyne Xasan oo Sacuudiga gaaray, si uu uga qeyb galo tacsida boqor Cabdalla: SAWIRRO

daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya, si uu ugu tacsiyadeeyo Boqoryooyada Sacuudiga iyo shacabkeeda geerida ku timid Boqor Cabdalla Bin C/casiis oo maanta lagu aasay Riyadh.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas' uuliyin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga, waxaana uu mas' uuliyiinta reer Boqor iyo shacabka ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid Amiirka Sacuudiga Cabdala Bin Cabdicaziis.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Sii-Hayeyaasha wasaaradaha Cadaaladda iyo Difaaca, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Jeneral Maxamed Sheekh, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo mas'uuliyiin kale ayaa la kulmi doona Boqorka cusub ee Sacuuudiga Boqor Salmaan iyo mas'uuliyiin kale oo sare si uu ula qeybsado tiiraanyada iyo tacsida boqorka geeriyooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Boqor Cabdalla uu ka dhintey dhammaan caalamka Islaamka, lana tebi doono doorkiisii suubbanaa ee uu ku lahaa arrimaha caalamiga ah.

Aaska Boqor Cabdala oo ka dhacday masjidka Imaamu Turki ee magaalada Riydh ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda dalalka Islaamka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada