daajis.com:- Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan uu dhamaadka bishan Janaayo ku wareejinayo baabuurta qafilan ee aan xabadaha iyo miinooyinka karin, kuwaasoo loo yaqaano MRAP, iyadoo 20 ka mid ah baabuurtan la siinayo Ciidamada Brundi iyo Uganda.
Sida lagu qoray bogga arrimaha Milateriga Mareykanka ka faalooda ayaa lagu sheegay in baabuurtan oo ah kuwa uu Mareykanka horay ugu soo isticmaalay dalka Afganistaan ayaa dhamaadka bishan lagu wareejin doonaa Ciidamada Brundi iyo Uganda ee ka mid aha howl galka AMISOM.
Baabuurtan ayaa leh aalado looga hortago miinooyinka dhulka hoostiisa lagu geliyo, waxaana uu qalabkan uu sheegayaa halka ay miinada ku aasan tahay ilaa dhowr mitir.
Maj. Gen. Wayne Grigsby oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in arintani ay kala kaashan doonaan shirkado qalabka Militeriga soo saara, sarkaalkaasi waxa uu cadeeyey in ay doonayaan in ay dhamaystiraan sameynta joogitaankooda Soomaaliya iyo sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada.
Sarkaalka Mareykanka ee dhanka qorsheenta ciidamada kaga sugan Soomaaliya Maj. Myesha DuBose,ayaa aaminsan in horey aysan ula socon dhibaatooyinka ay wajahayso Muqdisho balse markii la helay dhul balaaran oo lagala wareegay Al-Shabaab ay suurta galisay in gawaaridaan ay keeni karaan Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ayaa isticmaala gawaari qafilan oo aan xabuduhu karin, kuwaasoo qaarkood waxyeelo ka soo gaartay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala eegtay, hase ahaatee baabuurtan uu Mareykanka uu ugu deeqayo ayaa ah kuwo ka casrisan kuwa ay wataan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at