Hay’adaha ammaanka oo digniin udiray dadka xirta wadooyinka xaafadaha Muqdisho

Hay’adaha ammaanka oo digniin udiray dadka xirta wadooyinka xaafadaha Muqdisho

daajis.com:- Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka caadeystay inay xiraan wadooyinka dhexmara xaafadaha ku yaalo Magaalada Muqdisho oo saxmad ay noqoto, xilliyada ciidamada ay xiraan laamiyada gaadiidka ay maraan.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabo adag ay ka qaadeyso dadka wadooyinka xaafadaha dhexmara xirta ee gaadiidka u diida inay halkaasi maraan.

Wuxuu sheegay inaysan jirin cid aan dowlad aheyn oo wado xiri karta, ama goyn karta, isaga oo sheegay in qorshaha amniga Muqdisho lagu sugaayo inta uu socdo gaadiidka iyo shacabka ay ka raaligelinayaan xirnaanshaha wadooyinka qaar.

“Qof shaqsi ah oo aan dan dowladeed iyo dan qaran wadin jid ma xiri karo, haduu xiro ciidanka Booliiska ama Nabad Suggidda ayaa lagu dacweynayaa, islamarkaana tallaabo ayaa laga qaadayaa, horay kuwo tallaabo looga qaaday wey jiraan oo aan waxyaabahaasi oo kale ku aragnay, qof walba oo jid xiraa waa lasoo dacweynayaa islamarkaas ayaana tallaabo ka qaadeynaa”Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliiska Qaasim Axmed Rooble.


Xilliyada ciidamada dowladda ay xiraan wadooyinka laamiyada ah ee Muqdisho, ayaa gaadiidka waxa ay maraan xaafadaha dhexdooda, waxaana caqabad ay kala kulmaan dadka xaafadahaasi kunool oo wadooyinka ku jira dhagxaan iyo waxyaabo kale, taasoo caqabad hor leh noqonaysa.

Ciidamada dowladda ayaa saaka xiray wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka Magaalada Muqdisho, iyadoo laamaha ammaanka ay ku sheegeen sababta wadooyinka loo xiray qorshaha sugidda amniga caasimada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada