Wasiirada cusub oo loo magacaabayo qaab aan horey loo arag oo xeelad ah

Wasiirada cusub oo loo magacaabayo qaab aan horey loo arag oo xeelad ah

daajis.com:- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa la yimid qorshe cusub oo cajiib ah oo uu doonayo inuu ku soo dhiso Golaha wasiirada xukuumadda cusub kadib markii ay fashilantay xukuumadiisii hore oo uu dib ula noqday.

Xog cusub ayaa sheegeysa in qorshaha cusub ee lagu soo magacaabayo wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha, waxaana salkeedu yahay beelaha iyo xildhibaanada golaha baarlamaanka ugu jira.

Wasiir kasta ee la magacaabayo waxaa laga doonayaa inuu ka yimaado 50+1 ama cod hal dheeri ah iyo ka badan xubnaha xildhibaanada ah ee ugu jira beesha wasiirka ka heshay golaha wasiirada.

Tani waxa uu macnaheedu yahay tusaale ahaan haddii xidlhibaanada beeshiisa ay yihiin 10, in laga doonayo inuu haysto taageerada 6 ka mid ah ugu yaraan, si xilka loogu magacaabo. Wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha ayaa iyagana laga rabaa inay sidoo kale la yimaadaan inta badan codadka xildhibaanada beelahooda.

Qorshahan oo laga yaabo inuu waqti dheer qaato ayaa durba saameyn ku yeeshay wasiirada qaarkood oo aan heysan taageerada xildhibaanada beeshooda; waxaana bilowday olole ay ku jiraan wasiiradii la magacaabay kuna doonayaan inay xilalkooda sii heystaan, iyadoo siyaabo kala duwan kusoo jiidanaya xildhibaanada beeshooda.

Haddii qorshahan uu guuleysto, waxa uu macnaheedu yahay in si fudud loo ansixin doono xukuumadda, maadaama xildhibaano badan horey looga xaqiijiyey taageerada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada