daajis.com:- Robert Mugabe, oo ah M/weynaha dalka Zimbabwe, ayaa markii ugu horeeysay loo doortay Gudoomiyaha midowga Afrika, waxana uu xilka kala wareegaya madaxweynaha Mauritania oo muddo sannad ah hayay xilkan.
Robert Mugabe ayaa la filayaa inuu xilkan kala wareego Mugabe, Maxamed Ould C/casiis bisha Feberaayo ee sannadka soo socda, isagoo halka sano ee soo socda hoggaamin doona ururka Midowga Afrika.
Sidoo kale, madaxweynaha dalka Zimbabwe ayaa ayaa xilka hogaaminta ururka Midowga Afrika oo 54-waddan ka kooban, isla markaana ah mid wareegto ah ayaa noqonaysa markii ugu horreysay uu qabto tan iyo markii dalkiisu xorriyada qaatay sannadkii 1980-kii.
“Madaxweyne Mugabe oo muddo dheer ka cabanaya habka hoggaanka AU-da uu u socdo ayaa maanta ku guuleystay markii uug horreysay guddoomiyaha ururka Midowga Afrika ee sannadkan cusub,” ayuu yiri afhayeenkiisa, George Charamba.
George Charamba ayaa intaas ku daray. “Inkastoo uu muddo dheer kasoo horjeeday fik-radaha reer galbeedka, haddana wuxuu rajeynayaa inuu Afrika oo dhan ku hoggaamin doono dhabbe wanaagsan oo horumar leh.”
Xiriirka madaxweynaha dalka Zimbabwe iyo waddamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa xumaaday sannadku markuu ahaa 2000; markaasoo lagu murmay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday, iyagoo dalalkan ay sheegay in Mugabe uu codadkii doorashada ku shubtay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:01 and have
, Published at