Video: Boqorka Sacuudiga oo Obama ugu tegay garoonka Salaad darteed

Video: Boqorka Sacuudiga oo Obama ugu tegay garoonka Salaad darteed

daajis.com:- Boqorka cusub ee Sacuudiga Salmaan binu Cabdul Casiis, ayaa garoonka ugu tegay Madaxweynaha Mareykanka, isagoo joojiyay baratakoolka soo dhaweynta Madaxweyne Obama oo marti u ahaa, si uu Salaada Casir waqtigeeda u dukado.

Xili Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo Xaaskiisa ay taagan yihiin rooga cas ee soo dhoweynta, ayaa Boqor Salmaan uu maqlay aadaanka Salaada Casir, wuxuuna turjubaankiisa uu si degan ugu sheekay in la joogo xiligii Salaada.

Madaxweyne Obama, ayaa ixtiraamay Boqorka iyo soo gudashada waajibka saarnaa, waxa uuna kusii sugay Gaarigiisa ilaa uu kasoo dhameeyo salaada.



Tallaabadan geesinimada leh ayaa noqotay mid dunida Islaamka aad looga hadal haayo, iyadoo la sheego in Boqor Salmaan inuu yahay qof ku dhegan Diinta Islaamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada