Sirdoonka Mareeykanka oo baadi goob ugu jira nin Somali Mareeykan ah

Sirdoonka Mareeykanka oo baadi goob ugu jira nin Somali Mareeykan ah

daajis.com:- Hey’adda Dambi Baarista Mareykanka ee FBIda ayaa qamiistii shalay ku dartay liiskeeda dadka argagixisanimada ay u doon dooneyso, Muwaadin Somalia Mareykan ah, kaasoo ay hay’addu ku sheegtay inuu aqoon u leeyahay dhismooyinka dowladda, garoomada dayuuradaha ee Washington iyo hanaanka tareenada ee Washington iyo nawaaxigeeda.


Ninkan la doon doonayo oo lagu magacaabo Liiban Xaaji Maxamed ayey saraakiisha FBIdu ku sheegeen nin adeegsada magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Maxamed ayaa ku noolaa waqooyiga Gobolka Virginia ee duleedka Washignton, isagoo taksiile ka ahaa sida ay sheegtay FBIdu.

FBIdu waxey sheegtay in intii uu Washington ku noolaa Maxamed uu ahaa qof al-shabab dhalinyarada u tashkiiliya, isla markaana uu taageero hiil iyo hooba leh u fidiyay al-Qacida iyo al-Shabab.


FBIdu waxey sheegtay inay aaminsantahay in Maxamed uu ka tagay Mareykanka bishii July sanadkii 2012kii, haatanna uu ku noolyahay bariga Africa isagoo la shaqeeya Al-shabab.

FBIda ayaa sheegtay inay ku bixinneyso abaal marin lacageed oo gaareysa 50 kun oo dollar – xog kasta oo horseeda in la soo qabto oo cadaalada la hor keeno.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada