VIDEO:- Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Xasan Dheere: Anagu Cidna Duulimaad Kama Joojin Kuma Aynaan Khasbin meel kale Iney ku Degaan

VIDEO:- Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Xasan Dheere: Anagu Cidna Duulimaad Kama Joojin Kuma Aynaan Khasbin meel kale Iney ku Degaan

daajis.com:-Wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa maanta sheegtay ineysan Jirin diyaarado loo diiday iney kasoo degaan Garoonada kale ee Puntland.

Wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa horey u sheegtay in dhismaha Runwayga ee ka socota hawshiisa Airporka Boosaaso aysan wax diyaarad ah uga soo degayn taas badalkeedana la Isticmaalayo kan Qardhood.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid oo maanta ka warbixiyey shaqada ka socota Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa arrintan ka hadlay.

Wararka qaar ayaa maalmahan sheegayey in qaar kamid ah Shirkadaha Duulimaadyadu diideen iney hal magaalo kasoo degaan balse ay magaalooyinka kale adeegsanayaan.



Mudane Xasan Xaaji Siciid oo ay Saxaafadu arrintan Cabashada ah wax ka weydiisay ayaa sheegay ineysan jirin arrintaas ,wuxuuna sheegay in Ganacsiga Puntland yahay mid xor ah .

” Ganacsigu waa xor weeye meeshey doonaan bey kasoo degaan Garoowe,Gaalkacyo,Qardho laakiin majiraan diyaarado la joojiyey ama loo diiday iney meel ka degaan ama meel u leexdaan arrintaas majirto….”’ayuu yiri.

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland ayaa xusay in lasoo gabagabeeyey dhismaha derbigii Garoonka isla markaana dhawaan la bilaabayo dhismaha dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee Runweyga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada