daajis.com:-Xildhibaannada Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta ku shiraya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayagoo uga hadli doona sharciyada Hanti-dhowrka qaranka iyo Xeerka doorashooyinka.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in akhrinta saddexaad ay marayaan labadaasi sharci, ayna suurta gal tahay in isla maanta ay cod u qaadaan xildhibaanaddu.
Guddiyada maaliyadda iyo doorashooyinka ee baarlamaanka ayaa gacanta ku hayaha labadan sharci oo lagu soo daray agagtiyadii ka soo baxay akhrintii 1aad iyo 2aad ee ay mudaneyaasha baarlamaanku horay ugu sameeyeen xeerarkaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa horay xildhibaannada uga codasaday in kalfadhigaan lagu meel mariyo labadan sharci oo muhiim u ah dalka xilligaan la doonayo in 2016-ka doorasho laga qabto waddanka oo dhan.
Baarlamaanka oo lugu wado in la soo xiri fadhiyadooda saddexda bisha labaad ayaa xilligan waxaa hor yaalla arrimo badan oo u bahan inay ka doodaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:55 and have
, Published at