Al-Shabaab oo Dad badan ku qafaashay gobolka Baay

Al-Shabaab oo Dad badan ku qafaashay gobolka Baay

daajis.com:-  Ilaa dad gaaraya 50-ruux ayaa la sheegay inay qafaasheen dagaal-yahanno ka tirsan ururka islaamiga ah ee Al-shabaab Tuulo hoos timaada deegaanka Goof-Gaduud oo duleed ka xigta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Axmed Maxamed Aadan ayaa u sheegay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in Al-Shabaab ay qafaasheen dad u badan xoolo dhaqato iyo beeraley ku nool Gobolka Baay.

“Xalay iyo maalmihii u dambeeyay waxay Al-Shabaab ka qafaasheen tuulo hoos timaada Goof-Gaduud, dadkaas ay wateen waxay ka badnaayeen afar qof, dadkaas waxay u heystaan lacag madax furasho ah”ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka Goof-Gaduud Axmed Maxamed.

Waxaa uu ka dalbaday dowladda Soomaaliya in arrintan soo fara geliso, isagoo si gaar ah ugu codsaday ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si deg deg ah tallaabo u qaadaan, si dhibaatada lagu haayo dadka deegaanka looga dulqaado.

Sidoo kale waxaa uu Gudoomiyuhu sheegay inay ka war heleen in dadka ay afduubteen Al-Shabaab ka rabaan qofkiiba inuu bixiyo ilaa 10-milyan oo shilinga Soomaaliga, qofkii bixiyana la sii deynayo, sida uu yiri.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada Mas’uulkan oo ah in Al-Shabaab ay dad ka afduubteen deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada