daajis.com:-War deg deg ah oo hadda inasoogaaray ayaa sheegaya in Nin naftii hurre ahaa uu galabta weerar ismiidaamin ah ku qaaday baabuur ay la socdeen Ciidamada sida gaarka ah u tababran (GAASHAAN) ee Dowladda Federalka Somaliya.
Ciidamadaan oo loogu yeero Alpha Group, ayaa waxay ku sii jeedeen dhinaca Garoonka Aadan Cadde, waxaana la weeraray xilli ay marayeen wadada Xeradii Ciidanka Cirka ee Afisyooni ee Degmada Xamar Jajab.
Gaariga weerarka lagu geystay, ayaa noociisu ahaa SUZUKI, wuxuuna ku Parking gareysna wado ku beegan wadada Xerada Afisyooni, iyadoo uu beegsaday Ciidamadii wadada maraayay.
Weerarka, ayaa la soo sheegayaa inuu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo ay adag tahay in macluumaad rasmi ah laga helo khasaaraha guud, ee uu geystay.
Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin kolonyada ay la socdeen Ciidamada Alpha Group ee la weeraray.
Ciidamada weerarka lagu qaaday ee Alpha Groep ayaa ahaa Ciidamadii xarunta Xalane loo diray, markii Shabaabkii weerarka ku qaaday xerada laga saari waayay goobihii ay ku jireen.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at