daajis.com:-War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Maleeshiyada alshabaab ay halkaasi ku gowracday wadaad la sheegay inuu kamid ahaa Kooxaha Tabliiqa ee dacwada fidisa.
Maleeshiyada ayaa waxa ay wadaadkaasi kala soo baxeen Masjid ku yaala Degaanka Luuqjeelow ee Gobolkaasi Hiiraan, iyagoona Meydkiisa soo dhigay bartamaha Degmadaasi, sida laga soo xiganaayo dadka deegaanka.
gowracDadka deegaanka ayaa sheegaya in wadaadka la gowracay lagu magacaabi jiray Cabdi Sahal Cali Faarax,waxaana uu kamid ahaa Culumada Tabliiqa, ee deegaankaasi ka faafisa dacwada.
Dhanka kale, wadaadkani ayaa waxa ay Maleeshiyada ku eedeysay inuu la shaqeynaayay Ciidamada DF Somalia, inkastoo dadka qaar ay sheegen in wadaadkaasi uu weligiisa kamid ahaan jiray Tabliiqa, islamarkaana uusan ku lug laheyn Ciidamada Dowladda.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in Bishii la soo dhaafay ay Degmada Buulabarde Tuulo hoostagta ay ku Gowraceen Macalin barre ka ahaa dugsi qur’aan oo ku yaalla halkaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:25 and have
, Published at