Ergayga Midowga Afrika Ee AMISOM oo ka warbixisay howlgallada milateri ee ay ka wadaan Soomaaliya

Ergayga Midowga Afrika Ee AMISOM oo ka warbixisay howlgallada milateri ee ay ka wadaan Soomaaliya

daajis.com:- Ergayga Midowga Afrika danjire Maman Sambo Sidikou ayaa ka warbixiyay howlgallada ay ciidankooda iyo kuwa dowladda federaalka sameeyeen sanadkii tegay ee 2014.

Sidikou oo saxaafadda kula hadlay maanta xarunta Xalane ayaa usoo bandhigay warbixin uu si guud uga hadlay waxyaabihii ay ka qabteen Soomaaliya,waxuuna si faah faahsan u sheegay inay guulo ka gaareen dagaal-yahannada Al-shabaab.

Danjire Maman ayaa sheegay in howlgalladii milateri ee ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay lagu wiiqay cududda kooxda Al-Shabaab ay ku lahayd bartamaha iyo koonfurta dalka.

Wuxuu sheegay inay kooxda kala wareegeen magaalooyin muhiim ah sida Baraawe, oo kooxda ay ku lahayd saldhiggeedii ugu weynaa ee dalka.

Ciidanka AMISOM ayuu sheegay inay ka qeyb-qaateen adkaynta ammaanka caasimadda iyo ilaalinta xarumaha dowladda.


Sidikou ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil-ka-qaadistii afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud, isagoo shaaciyay in afhayeenka aan xilika looga qaaday weerarkii Al-shabaab ee Xalane, isla markaana uu waqtigiisu dhamaaday.

Waxuu intaas raaciyay in Col. Cali Xumud uu waqtigiisu ku ekaa sannadkii tagay ee 2014, sidaa daraadeedna aanay jirin wax cusbooneysiin ah oo uu shaqadiisa kusii wadan karo.

Sidoo kale, danjire Sidikou ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ay Xalane la beegsatay 25-kii bishii December ee sannadkii hore, isagoo xusay inuu ahaa mid nasiib-darro ah oo ay naftooda ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

“Weerarkaas waxaan ku wanay askar iyo saraakiil qiimo badan lahaa, kani waa weerar walaac badan dhaliyay, iyadoo kooxihii weerarka soo qaaday oo dhan la laayay,” ayuu yiri Sidikou, isagoo intaas ku daray. “Al-shabaab wax walba ayay sameyn karaan oo ay ku weerarayaan meel walba sida qaybaha warbaahinta,” ayuu hadalkiisa ku daray ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay raashin iyo biyo nadiif ah gaarsiiyaan deegaannada laga sifeeyay Al-Shabaab, lagana hirgeliyo adeegyada kala duwan ee bulshada u baahan tahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada