daajis.com:-Dagaallo u dhaxeeyo beelo wada deegaan gobolka Hiiraan ayaa wali ka socda deegaanka Deefow oo gobolka ka tirsan.
Xiisada dagaalka ayaa wali taagan waxaana deegaanka laga maqlaya dagaalka dhexmaraya dhinacyada uu ka dhaxeeyo.
Dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Deefow ayaa ahaa kii ugu xooganaa uguna khasaare badnaa oo mudooyinkan ka dhaca, waxaana dagaalada u dhaxeeya labada beelood oo ahaa kuwo soo noq noqonayay ilaa iyo hada wax xal ah laga gaarin.
Mar kale ayaa la sheegay xalay waqti dambe inay dagaallameen maleeshayada,waxaana ku dhintay hal qof, mid kalena wuu ku dhaawacmay.
Dagaalka oo dib u soo cusboonaaday subixii Talaadada ayaa waxaa ilaa hadda ku dhintay 11 qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacantay.
Iska horimaadka ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo isku haysta lahaanshaha dhul-daaqsin deegaanka ku yaalla.
Waxaa isa soo taraya baaqyada nabadda ee loo jeedinayo dhinacyada dagaallamaya, kuwaas oo loogu baaqay inay si shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at