daajis.com:- Sii hayaha wasiirka wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta xarunta wasaarada ku soo xiray tababar socday saddex maalmood oo cinwaankiisu yahay ( Wacyi-gelinta iyo Baahinta Dastuurka ).
Munaasabadii xiritaanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii hayaha Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khaalid Cumar Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa ka jeediyay xaflada xiritaanka khudbado dhinacyo badan taabaneyso, isagoo kaga hadlay khudbadiisa arrimo badan oo muhiim ah oo uu xaalada dalka uga hadlayay.
Waxaa uu bogaadiyay waaxda qorsheynta sida habsamida leh ee ay u soo diyaarisay tababarkan iyo maadooyinka, sidoo kale dadkii wax ka dhigayay iyo kuwii ka faa’ideystay, iyadoo Wasiirku si gaar ah u xusay dhalinyaradii dhowaan ku soo biirtay Wasaarada oo tababarkan fursad u ahaa, si ay u fahmaan ugana qeyb qaataan horumarinta dastiirka.
“Shaqada Wasaradda Dastuurka ma aha qorista Dastuurka oo kaliya ee waxay ka shaqaysaa arrimaha Dastuurka, waxay la shaqaynaysaa Gudiga Madaxa banaan ee dibu eegista iyo akhrinta Dastuurka, waxaana ansixiyay baarlamaanka, waana guddi qaran, waxaa kaloo la shaqeyneynaa Gudiga la socodka arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Dastuurkan aan ka hadlayno ee shacabka Soomaliyeed yeelan doono waa in uu ka madax banaanaadaa fara galinta shisheeye, kutagri falka iyo kaligii talisnimo, markii ay dadku dawladnimo soo xusuustaan wal wal iyo cabsi ku reebi jirtay, waa inuu ka baxsanaadaa fawdadii iyo reerkayga ayaa saan ah iyo kooxdayda ayaa sidan ah”
Waxaa uu sheegay in Dastuurkan uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana uu ku qoran yahay afka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay xaaladihii uu dalka soo maray ayuu sheegay in bishan Janaayo ay xusuus badan u leeyahay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan todobaadkan lagu jiro oo uu xusay in la sii galay markii 25 sano ay ka soo wareegatay bur burkii dowladdii Milateriga aheyd sanadkii 1991
“Ummadda oo dhan dhalinyro iyo dadka waayeelka ahba waxay lasoo kulmeen wax aad u badan oo murugo ku reebay, laakiin waxaan jeclahay in aan idin kugu bishaareeyo inay taas dhamaatay, cashirkaasna uu soo xirmay, hadda iyo wixii ka dambeeya waxaynu u sii dabaal dagayaan maalin kastaba farxad, murugaduna way yaraandoontaa”ayuu yiri Faarax C/qaadir.
Sidoo kale Sii hayaha Wasiirka Cadaalladda iyo Dastuurka ayaa soo dhoweeyay doodaha iyo dhaq dhaqaadyada bulshada ee ka socda dalka, kuwaasoo ah qaab nabadeed , waana albaab cusub oo u furmay ummadda Soomaaliyeed sida uu wasiirku sheegay.
Mar uu ka hadlayay kaalinta dumarka ee ku aadan horumarinta Dastuurka iyo qeybaha hey’adaha dowladda ayuu soo dhoweeyay, isagoo xusay inuu k faraxsan yahay in maanta tirada gabdhaha in ay soo badanayaan, isla markaana uu rajeynayo in tiradoodu intan ka sii bataan, ilaa marka dambe la yiraahdo xagee ayay aadeen wiilashii.
Tababarkan ayaa ka mid ahaa tababarada qorsheysan ee ay wasaaradu u diyaarisay tayeynta shaqaalaha Wasaarada iyo diyaarita qaabka ugu haboon ee looga qayb galin karo bulshada qayba heeda kala duwan horumarinta arrimaha Dastuurka.
Sidoo kale tababarkan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore, iyadoo diiradda lagu saaray Tababarka Tababarayaasha (TOT) iyo qaababka ugu haboon ee looga qeyb-galinnayo, loogana dhaadhicinayo bulshada lahaashiiyahooda Dastuurka.
Ugu dambeyn Tababarkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay istiraatiijiyad cad loo marayo (Gaarista Shacabka), gar ahaan waxaa lagu gorfeeyay doodo la xiriira waxyaabaha loo baahan yahay si loo xaqiijiyo Istiraatiijiyadaas.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at