XOG:- Seefta Siilaanyo oo gasha ka baxsan & WASIIRO wadnaha farta ku haya

XOG:- Seefta Siilaanyo oo gasha ka baxsan & WASIIRO wadnaha farta ku haya

daajis.com:-  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in dhawaan la filaayo in Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo uu xil ka qaadis iyo isku shaandheyn ku sameyn doono Xukuumada Maamulkiisa.

Siilaanyo, ayaa waxa uu Ujeedkiisu ugu weyn yahay inuu kala shaandheeyo Xukuumada, inkastoo Wasiiro badan ay halkaasi ku weyn doonaan xilkooda, isagoona xilalkaasi u magacaabi doono Xubno kale oo mug iyo miisaanba ku dhex leh Siyaasada Maamulka Somaliland.

Siyaasada Axmed Siilaanyo, ayaa waxa ay xiligaani tahay mid gogol xaar u ah damaciisa ku aadan dib ugu soo laabashada Xukunka, waxa ayna tani ka turjumeysaa Siyaasadaha uu ku kala fogeynaayo Xubnaha Golihiisa ka tirsan kana midka ah Xisbiyada Mucaaradka.


Hhaddii ay dhabowdo waxa ay isku shaandhayntani ku soo beegmaysaa iyadoo ay shan bilood ka hadhsan yihiin shantii sannadood ee xilka Madaxweynenimo loo doortay oo ku beegan 26 June 2015.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada