daajis.com:- Kooxda Barcelona ayaa ka faa’ideysan weyday guuldaradii dhabarka loo saariyay Real Madrid, isla markaana ula wareegto hogaanka, waxaana guusha Real Sociedad u soo hoyay daafaca Barcelona Jordi Alaba oo iska dhaliyay gool daqiiqadihii hore ee qeybtii hore ciyaarta.
Jordi Alaba ayaa daqiiqadii 3aad madax isaga dhaliyay kubad koorner ah oo ay soo tuurteen kooxda Real Sociedad, waxaana guushaas ay u aheyd mid taariikhi ah tababarihii hore ee Manchester United David Moyes oo dhowaan qabtay macalinimada Kooxda Real Sociedad.
Tababaraha Barcelona Luis Enrique ayaa kursiga keydka geliyay ciyaaryahanada Messi iyo Neymar, balse markii uu xaalka ku xumaaday ayuu qeybtii labaad bedel ku keenay, waxna ma aanay soo kordhineyn.
Daafacyada kooxda Real Sociedad ayaa dhuunta u galay xidigahan oo dhowr jeer isku dayay inay goolka bar baraha dhaliyaan, waxaana Messi uu tiro dhowr jeer isku dayay inuu gool u keeno kooxdiisa.
Real Madrid oo laga badiyay ayaa guuldarada Barcelona faa’ido u aheyd, maadaama ay baaqi ku sii ahaaneyso hogaanka, isla markaana wali ku hogaamineysa hal dhibic oo ay hal ciyaar u sii harsan tahay, waxaana ay leedahay 39 dhibcood, halka Barcelona ay leedahay 38 dhibcood.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:00 and have
, Published at