Kulamadii Koobka FA Cup-ka Ingiriiska, Labada Manchester, Chelsea iyo Arsenal oo badiyay (Sawirro)

Kulamadii Koobka FA Cup-ka Ingiriiska, Labada Manchester, Chelsea iyo Arsenal oo badiyay (Sawirro)

daajis.com:- Kooxaha waa weyn ee kala ah Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Arsenal ayaa u soo baxay wareega xiga ee Koobka FA Cup-ka Ingiriiska, kadib markii ay ka kala badiyeen kooxo ka kala dhisanaa, heerka koowaad, labaad iyo saddexaad.

Inkastoo laga nasanayay ciyaarihii is daba jooga ahaa ee Horyaalka Ingiriiska, hadana Kooxaha heerka koowaad waxaa wali u socda tartamadooda aan kala joogsiga laheyn.

Kooxda Chelsea oo galabta ciyaartay ayaa 3-0 uga badisay Kooxda Watford, waxaana goolasha u kala dhaliyay Willian, Remy iyo Zouma, waxayna guushan hilmaamsiisay guuldaradii horyaalka ee ay kala kulantay Tottenham.

Sidoo kale Kooxda Manchester United ayaa 2-0 uga badisay kooxda Yeovil Town, waxaana goolasha u kala dhaliyay ciyaaryahan Herrera, kaasoo darbad xoogan oo sidii gantaal oo kale aheyd shabaqa la helay, waxaana goolka labaad u dhaliyay Angel Di Maria oo bedel ku soo galay.

Kooxda Manchester City ayaa 2-1 uga badisay kooxda Sheffield Wednesday, waxaana Man City goolasha u dhaliyay ciyaaryahan James Milner, kaasoo kooxdiisa guul ku hogaamiyay, kadib markii gool looga hormaray.

Arsenal oo heysata Koobkan FA Cup ayaa 2-0 uga badisay kooxdii ay Final-kii Koobkan ka qaaday sanadkii hore ee Hull City, waxaana goolasha u kala dhaliyay ciyaaryahanada Mertsacker iyo Alexis Sanchez.

Natiijooyinka ciyaarihii kale ayaa waxay u dhaceen sidan:-

Dover 0 – 4 Crystal PalaceQueens Park Rangers 0 – 3 Sheffield UnitedSunderland 1 – 0 Leeds UnitedAston Villa 1 – 0 BlackpoolManchester City 2 – 1 Sheffield WednesdaySouthampton 1 – 1 Ipswich TownStoke City 3 – 1 WrexhamYeovil Town 0 – 2 Manchester UnitedChelsea 3 – 0 WatfordArsenal 2 – 0 Hull City






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada