daajis.com:- Kooxda Real Madrid ee heysa hogaanka Horyaalka Spain ee La Liga ayaa guuldaro ku bilaabatay sanadkan cusub ee 2015, markii kooxda Valencia 2-1 ku garaacday.
Valencia ayaa ku marti gelisay garoonkeeda Mestella Stadium Kooxda Real Madrid oo aan xilli ciyaareedkan dhinaceeda dhulka la dhigan oo aan 22-kulan tartamada oo dhan laga badin.
Real Madrid oo ku maqneyd Tartanka Naadiyada Adduunka oo u ahaa koobkii afaraad ee ay ku guulesatay sanadkii hore ayaa guuldaro xanuun ah lagu soo dhoweeyay.
Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid hogaanka u dhiibay daqiiqadii 14aad ee qeybtii hore ciyaarta, hase ahaatee Valencia ayaa muujisay dadaal, kadib markii qeybtii labaad ee ciyaarta ay dhalisay goolkii bar baraha waxaana u saxiixay daafacooda Antonio Barragan, kaasoo kubad uu ku tuuray goolka ay ku dhacday Pepe, sidaasna ay shabaqa ku gashay.
Daqiiqadii 65aad ee ciyaarta ayaa Real Madrid looga naxsaday goolkii labaad waxaa kubad madax aheyd shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Nicolas Otamendi, kaasoo noqday geesigii ciyaarta, isla markaana jebiyay rikoorkii guusha ee Real Madrid.
Ciyaaryahanada Real Madrid oo rajo ka qabay inay hogaanka sii dheereystaan, maadaama ay hal kulan ka baaqatay ayaa ku guuldareystay hankooda, waxaana ay guuldaro kala soo hoydeen garoonka Mestalla Stadium.
Real Madrid ayaa hogaanka haatan ku heysa hal dhibic, waxay leedahay 39 dhibcood, waxaa ku soo xigta kooxda Barcelona oo leh 38 dhibcood, waxaana hadii ay Barca badiso ay ka sara mari doontaa Real, inkastoo uu hal kulan u harsan yahay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:00 and have
, Published at