Xukuumada oo maanta la horgeeynayo Baarlamaanka

Xukuumada oo maanta la horgeeynayo Baarlamaanka

daajis.com:- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay maqribkii ku soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo soo laabashadiisa oo aheyd mid deg deg ah ay ka dambeysay markii Gudoonka Baarlamaanka uu shaaciyay in maalinta berri oo taariikhdu tahay 31-Janaayo la horgeynayo Xukuumada uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha kulamo la qaadnayo Xildhibaanada, si uu ugu ololeeyo in Xukuumada codka kalsoonida la siiyo, iyadoo uu jiro shaki badan oo laga qabo qaabka ay ku heli karto codka kalsoonida.

Baarlamaanka ayaa shalay galab si rasmi ah u shaaciyay in maalinta berri la horkeenayo Xukuumada cusub iyo barnaamijkeeda, iyadoo marka la fiiriyo maalinta berri ay ku egtahay mudadii 14-ka cisho ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu u qabsaday inuu Xukuumad ku soo dhisayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday Gudoonka Baarlamaanka in dib loogu dhigo maanta horkeenida Xukuumada, hase ahaatee uu Gudoonka ku gacan seyray,


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo shalay u gudbiyay Gudoonka mooshin ay ku codsanayeen in Xukuumada la horkeeno maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 31-Janaayo ayaa moodaa in codsigaas uu Gudoonka Baarlamaanka aqbalay.

Xukuumadda wajiyada cusub leh ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhoweeyay Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo Midowga Afrika oo aanay horay u taageerin Xukuumadii 12-kii bishan uu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhisay, balse markii mucaarado badan ay ka hor-yimaadeen uu la laabtay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa 27-kii bishan soo magacaabay Xukuumad ka kooban 20 Wasiir, oo dhamaantood ah wajiyo cusub oo aanay ku jirin Xildhibaano iyo wasiiradii hore midna, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu dib u dhigay Wasiir kuxigeenadii iyo Wasiiru dowlayaashii oo uu sheegay inuu dib ka soo magacaabi doono.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada