Yaya Toure Oo Qirtay Inuu Si Joogta Ah U Bedelo Taleefan Number-kiisa Si Uu Uga Dhuunto Hablaha

Yaya Toure Oo Qirtay Inuu Si Joogta Ah U Bedelo Taleefan Number-kiisa Si Uu Uga Dhuunto Hablaha

daajis.com:- Xiddiga Manchester City Yaya Toure ayaa qirtay in waxa uu ka horyimaado uu ugu cabsi badan yahay dumarka jecel inay la haasaawaan.

Xiddigaan khadka dhexe ayaa awood u leh inuu maamulo khadka dhexe ee ugu adag dunida, laakiin waxa uu necban yahay gabdhaha raadinaya inay soo jiitaan dareenkiisa.

Toure oo ah xiddig Muslim ah ayaa xaasle faraxsan oo qaba Gineba laakiin ma jecla dareenka uu ka helayo gabdhaha kale ee isku dayaya inay la soo xiriiraan maalin iyo habeen.

Wareysi uu siiyay majalad ka soo baxda dalkiisa Ivory Coast, Toure ayaa shaaciyay sida uu u maareeyo dareenka uu ka helo dumarka isaga doonaya.



Waxa uu yiri: “Waan isqariyaa. Si aan iyaga uga baxsado waxaan si joogta ah u bedelaa taleefan number-keyga madaama ay dhamaantood heli karaan qof kale oo ay ka helaan number-keyga. Laakiin ma noolaan kartid taleefan la’aan madaama aad u baahaneysid inaad maareyso noloshaada maalin laha ah.

“Mararka qaar waxaan ka fekeraa waxa maskaxda uga jira gabdhahaan. Waa wax la ceebsado.

“Waxaa jirtay mid si furan iigu soo bandhigtay inaan haasaawno. Amakaak ayay igu aheyd runtii! Waxa ay i weydiisatay number-keyga waxaana siiyay number qaldan si aan uga fogaado iyada.


“Waan ka dhuuntaa iyaga. Xaasle ayaan ahay. Xaaskeyga ayaana igu filan. Waxaan jeclahay inaan nabad ku noolaado, waana habkeyga nololeed.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada