Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhada LRA oo isku soo dhiibay Ciidamada Mareykanka

Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhada LRA oo isku soo dhiibay Ciidamada Mareykanka

daajis.com:- Nin sheeganaya inuu yahay Hogaamiye sare oo ka tirsan Jabhada mucaaradka ee LRA ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu isku soo dhiibay Ciidamada Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howl galka lagu baadigoobayo hogaamiyaha LRA Joseph Kony.

Ninkan oo lagu magacaabo Dominic Ongwen ayaa isku soo dhiibay dalka Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Ongwen ayaa ahaa nin ay doon dooneysay Maxkamada Caalmiga ee ICC, isagoo loo xustay dambiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadanimada.

Ninkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Kuxigeenka Hogaamiyaha Jabhada LRA Joseph Kony oo ay sidoo kale raadineyso Maxkamada Caalamiga ee dambiyada dagaalka

Afhayeenad u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in ninkan isa soo dhiibay uu sheegay inuu ka baxsanayay Jabhada LRA.

Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in Ongwen lagu qabtay magaalada Obo oo ku taal bariga Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Ongwen ayaa waxaa uu hogaaminayay Guuto lagu magacaabo Sinia, waxaana lagu eedeeyay inay xasuuq badan ka geysteen waqooyiga Uganda.

Ilaa 100 askari oo ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa Mareykanka u diray dalka Uganda sanadkii 2011, si ay uga qeyb qaataan howl galka lagu soo qabanayo Hogaamiyaha LRA Joseph Kony oo ku dhuumaaleysanaya dhul u dhaxeeya Congo, Afrikada Dhexe ilaa Koofurta Sudan.

Joseph Kony ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira kufsi, xasuuq bani’adanimo iyo askareyn caruur ah, waxaana muddo labaatan sano ku dhow dagaal kula jiray dowladda Uganda

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada