daajis.com:-Mid ka mid ah Macalimiinta wax ka bara Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaka subixii Gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, Qaraxani ayaa ka dhacay meel u dhow Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.
Macalinka oo lagu magacaabo Cabdi Xaliim ayaa la sheegayaa in uu Dhaawac xoogan kasoo Gaaray qaraxa, isla markaana loola Cararay Isbitaalka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in macalinka lug ay kaga go’day xooga qaraxii aawadiis.
Lama oga sababta ka dambeysa qaraxaan lala eegtay macalinkan ka tirsan Jaamacada Simad ee magaalada Muqdisho.
10-kii Bishii Decembar sanadkii dhamaaday ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Ibraahin Maxamuud Xaamud oo ahaa Kuxigeenkii Jaamacada Simad ee Magaalada Muqdisho.
Macallinka ayaa la sheegay in si Joogto aan ahayn uga howl gali jiray Jaamacadaha SIMAD.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at