daajis.com:- Garoonka Aadan Adde ee Muqdisho, waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka dagay in kabadan 10 Diyaaradood oo Qaad sida, kuwaasoo kasoo kicitamay magaalada Nairobi.
Tani waxay ka dambeysay saddex maalmood oo qaad la’aan ay ka jirtay Magaalada Muqdisho, Gobolada Koonfurta, Bartamaha iyo Puntland, iyadoo wax laga qabtay cabashadii ganacsatada, ee ahayd in qiimo badan looga soo iibiyo qaadka, kolka ay ka soo qaadayaan dalka Kenya iyo in lacago fara badan, loogu canshuuro Garoonka Aadan Cadde.
Gawaarida yar yar ee nooca dheereeya ah, ayaa lagu soo daabulay qaadka laga keenay dalka Kenya, waxaana qaadkaasi la isugu geeyay Suuqa Beerta ee Degmada Hodan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at