daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta {Tallaado} dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa saacado yar kadib u duulay dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in safarka uu Madaxweynaha ugu ambabaxay Itoobiya horay u qorsheysneyd in R/wasaare Cumar ugu ambabaxo, balse u baaqday tacsida hooyadiis.
Madaxweynaha ayaa magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya ugu qeybgalaya sanadguurada 40-aad ee xuska Jabhadda Tigree (Tigray People’s Liberation Front :TPLF).xasan-addisababahassan-addis
Magaalada ay xafladan ka dhaceyso ee Mekelle oo ah halka ay degaan qowmiyada Tigree ee uu kasoo jeeday Ra’ iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi oo sanad walba laga xuso maalintii la aasaasay jabhadda TPLF ayaa waxaa ka qeyb gala madax ka kala socoto gobolka.
Safarkan oo qorshaha uu ahaa in R/wasaaraha uu ka qeybgalo xafladaasi ayaa suuragal noqon, maadaama RW CCC uu dalka Canada ku sugan yahay, halkaasi oo hooyadiis ay ku geeriyooday.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at