daajis.com:- Orodyahanad u dhalatay dalka Kenya oo la yiraahdo Hyvon Ngetich ayaa noqotay mucjiso, kadib markii ay kaalinta labaad ka gashay tartanka Austin Marathon, kadib markii ay kuftay oo tabartii ka dhamaatay xili 50 mitir ugu harsaneyd diilinta ugu danbeysa, waxayna tartanka ku dhameysatay iyadoo gurguuraneyso.
Gabadhan oo dareenkii ay ku ordaysay uu ka dhamaaday ayaa gurguurasho ku dhameysatay tartanka, iyadoo kaalinta labaad ka gashay tartankaan oo ah mid caalami ah oo dunida dhan ay ka qeybgaleysay.
Gabadhan 29 jirka ah, ayaa tartanka intiisi badneyd hogaaminaysay balse nasiib darro markii ay uga harsaneyd 50 Mitir oo keliya ayey kuftay, iyadoo iloowday inay kacdo, waxayna ku guulaystay kaalinta labaad taasoo la yaab ku noqotay dadweynihii daaweynayey tartanka.
Ficilkaan ay sameysay gabadhan reer Kenya aya ka yaabiyey dhammaan dadweynihii ku sugnaa garoonk. John Conley agaasmihaa guud ee qaban-qaabada Austin Marathon aya yidhi ‘’ weligay maan arag dhacdadan oo kale 43 sanno oo aan ku jiray orodada .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at