daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo afmeeray booqasho maalmo qaadatay oo u ku joogay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Gaas ay Muqdisho uga qayb-galay shirar looga tashanayay aayaha Soomaaliya iyo gaarista doorosho xor ah oo la filayo dalka inay ka dhacdo sanadka ina soo aadan ee 2016.
Cabdiweli waxuu shirar kala duwan la qaatay madaxda dowladda faderaalka oo u ugu horreeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa lugu wadaa inuu maanta ku soo laabto Puntland,kaddib ka qayb-galkiisa shirar looga hadlayay mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, kaasoo u dhexeeyay dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah.
“Safarka madaxweynaha waxuu ku soo dhammaaday guul,Waxuuna u tagay Muqdisho si ay Puntland kaalin muuqata uga qaadato gaarista hiigsiga 2016-ka oo ah in dalka laga qabto doorashooyin xor ah,”sida waxaa yiri afhayeenka dowladda Puntland,Cabdullaahi Quraan Jecel .
Waxuu sheegay in Puntland ay rajeynayo dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada kale ee dalka inay ka dhameen doonan oo ay hirgalin doonan qadabbadi ka soo baxay shirarkii Muqdisho.
Gaas ayaa tan iyo intii uu qabtay hoggaanka Puntland wuxuu Muqdisho booqday labo mar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at