Xuska maalinta ka hortaga gudniinka oo lagu qabtay Amsterdam‏: SAWIRRO

Xuska maalinta ka hortaga gudniinka oo lagu qabtay Amsterdam‏: SAWIRRO

daajis.com:- Shir lagu xusayey maalinta caalamiga ee ka hortaga gudniinka gabdhaha (Zero Tolerance Day) ayaa shalay lagu qabtay magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Netherlands, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay wax-qabadka sanadkan ee ururadan ay ka muujiyeen dadaalada looga soo horjeedo dhaqanka gudniinka hablaha iyo wacyi-gelinta bulshada ka soo jeeda wadamada Afrika ee weli laga isticmaalo gudniinkan.

Qabsoomida xuska maalintan ka hortaga gudniinka ee dalka Netherlands ayaa waxaa si wada jir ah uga soo shaqeeyey hay’adaha kala ah Defence for Children, Federatie Somalische Associaties Nederland (FSAN), Pharos (expertisecentrum gezondheidsverschillen), Vluchtelingen Organisaties Nederland (VON), Plan Nederland iyo The Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA).

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay ururo badan oo isugu jira Nederlandees iyo African, iyadoo dhinaca Soomaalida ay ka soo qeyb galeen ururada ka shaqeeya arrimaha horumarinta jaaliyadda Soomaalida ee dalkan degan.

Gabdho Soomaaliyeed oo dhowaan ay FSAN tababar ugu sameysay magaalada Rotterdam ayaa goobtaasi qaab sugaaneed ku soo bandhigay barnaamij ka hadlayey dhibaatada uu leeyahay gudniinka iyo sida ugu fudud ee dadka ku dhaqanka gudniinka looga badeli lahaa arrintaasi.

“Anaga FSAN ahaan waxaan ugu baaqaynaa dowlada FS gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha haweenka inay inay qaado talaabooyin wax ku ool ah oo dalka oo dhan looga joojinayo gudniinka weli lagu sameenayo gabdhaha.” ayey tiri Zahra Naleye oo ah madaxa horumarinta mashaariicda FSAN.

Waxay intaa ku dartay inay dadaaalo heer caalami ah oo mustaqabalka lagu rajo weyn yahay in dowlada FS cadaadis lagu saaro inay soo saarto sharci mamnuucaya gudniinka  gabdhaha noocuu doono ha ahaado.
xus-gudniin-4
Intii uu socday xuska maalintan ayaa waxaa madasha lagu soo bandhigay documentary ku saabsan xadiga dhibaatada uu gudniinka ku hayo gabadhaha lagu sameeyey ee dalkan qaxootinimada ku yimid.

Nafisa Osman oo la shaqeysa hay’ada GGD ee Noord Baranbant waxay sheegtay in uu socdo dhaqdhaqaaq xoogan oo ku saabsan sii loo dabar-goyn lahaa gudniinka gabdhaha. “Waxaan wacyi-gelin u sameeynaa dadka uu saaameeyey gudniinka, gaar ahaan haweenka. waxaan sidoo kale talo dhinaca caafimaadka ah siinaa dumarka lagu sameeyey gudniinkan.”

Waxyaabaha kale ee sanadkan looga hadlay xuska maalinta gudniinka 6da February ayaa waxay ahaayeen sidii dowladaha hoose ee Netherlands ay ula wareegi lahaayeen mashaariicda la xiriira la dagaalanka iyo hortaga gudniinka gabadhaha, ayna u bixin lahaayeen miisaaniyada loo qorsheeyey arrimahaasi.

“Maadaama uu sharci cusub soo baxay sanadkan 2015-ka oo ah dowlada dhexe ay joojisay miisaaniyadii ay ku bixin jirtay arrimaha wacyi-gelinta bulshada ee gudniinka, ayaa waxan shirkan uga doodnay sidii dowladaha hoose oo howshan lagu soo wareejiyey looga dhaadhicin lahaa barnaamijyadan loona sii wadi lahaa in bulshada uu haysto dhibka gudniinka looga dhigi lahaa dhibkiisa iyo sidii la isaga kaashan alahaa dabar-goyntiisa.”ayey yiri Ruqiyo Caddow oo ah gudoomiyaha ururka AASIYA.

“Maanta waxaan halkan u imid inaan ka hadlo xuska maalinta caalamiga ee ka hortaga gudniinka, waayo waxa dhibka uu ku dhacay waa dhalinyaro gaar ahaan gabdhaha yar yar ee Soomaaliyeed, marka hadaan nahay dhalinyarada Soomaalida ee dalkan ku dhashay ama ku soo koray waxna ku bartay waa inaan u istaagnaa sidii aan anagu wax uga qaban laheyn sidii loo joojin lahaa gudniinka.” ayey tiri Fatuma Arale oo isku duwaha arrimaha dhalinyarada ee dladda FSAN.

Dalkan Netherlands ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku nool yihiin ilaa 3500 oo gabdho oo u badan Soomaali da’doodu ay tahay 19 jiro kuwaasoo lagu sameeyey gudniinka, isla markaana waxaa lagu qiyaasay 40 ilaa 50 gabdhood ay sanad walba khatar ugu jiraan in la gudo marka ay ku laabtaan wadamada ay ka soo jeedaan ee dunida saddexaad.

M. Abdi Farah






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada