daajis.com:-Xulalka Congo DR iyo dalka marti gelinaya Koobka Qaramada Afrika ee Equatorial Guinea ayaa u soo baxay Sema Finalka Koobka Qaramada Afrika, iyagoo guulo muhiim ah ka kala gaaray xulalka Congo iyo Tunisia.
Congo DR ayaa soo laaabasho layaab leh ka sameysay ciyaarta, markii labo gool looga hormaray qeybtii labaad ee ciyaarta.
Xulka Congo Brazaville ayaa waxaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 55aad Dore. waxaana 7 daqiiqado kadib gool labaad u dhaliyay ciyaaryahan Bifouma Koulossa.
Hase ahaatee Xulka DR Congo oo aan niyad jabin ayaa waxaa daqiiqadii 65aad gool u dhaliyay ciyaaryahan Mbukani Bezua, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Ciyaaryahan Bokila ayaa daqiiqadii 75aad goolka bar baraha u dhaliyay xulka DR Congo, waxaana ciyaartan ay aheyd mid aad u xiiso laheyd oo ka duwaneyd ciyaarihii u dambeeyay ee la ciyaaray Koobka Qaramada Afrika.
Daqiiqadii 81aad ayaa waxaa hogaanka u dhiibay xulka DR Congo ciyaaryahan Kimwaki, waxaana markaas kadib garoonka isu bedelay mid sawaxan iyo dabaal degyo ay sameynayeen taageerayaasha xulka DR Congo.
Xulka DR Congo ayaa waxaa hogaanka u sii dheereeyay daqiiqadii 90aad oo sii niyad jebiyay taageerayaasha xulka Congo Brazaville ciyaaryahan Mbukani Bezua oo ahaa goolkiisa labaad ee uu ciyaartan dhaliyo, waxaana sidaas ay DR Congo ugu soo baxday wareega Sema Finalka.
Sidoo kale xulka Marti gelinaya Tartanka ee Equatorial Guinea ayaa 2-1 uga badiyay xulka Tunisia oo goolka ku hormaray, hase ahaatee garsooraha ciyaarta ayaa rigoore ku abaal mariyay xulka Equatorial Guniea dhamaadkii ciyaarta, waxaana rigooradaas ay aheyd mid aan sax aheyn, waxaana rigooraha bar baraha u dhaliyay Balboa
Hase ahaatee waqtigii dheeriga ee lagu daray ciyaarta ayaa waxaa Gool laad xor oo cajiib ahaa u dhaliyay xulka Equatorial Guinea ciyaaryahan Balboa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at