Al-Shabaab oo maanta goob fagaare ah ku toogatay labo haween ah

Al-Shabaab oo maanta goob fagaare ah ku toogatay labo haween ah

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa maanta dil toogasho ah goob fagaare ah oo ku taal degmada Jilib ku fuliyay Labo haween ah oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen ciidamada sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aasiyo Cumar Hilowle oo 25 sano jir ah oo laga soo qabtay deegaanka Beerxaani, ayaa lagu soo eedeeyay inay basaas u aheyd ciidamada Dowladda, una qaabilsaneyd soo gudbinta kontoroolada Al-Shabaab iyo xoggo kale oo ku saabsan dhaqdhaqaaqooda.

Bishaaro Kuule Xasan, ayaa iyaduna lagu soo eedeeyay inay la shaqeyneysay Aasiyo oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada sirdoonka Dowladda Somalia, waxaana labadooda, meel fagaare ah lagu toogtay.

Qaadiga Maxkamadda degmada Jilib oo ka hadlay Fagaaraha, ayaa labadaasi hablood ku eedeeyay falka basaasnimada leh, isla-markaan ay Maxkamadda ka hor qirteen inay u shaqeynayeen Dowladda Federalka Somalia.

Qaadiga, ayaa dadka deegaanka kaga digay inay la shaqeeyaan waxa uu ugu yeeray cadowga, haddii kalana ay mari doonaan ciqaab lamid ah, midda la marsiiyay hablahaasi.

Labo bil ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale degmada Jilib ku toogteen haweeney ay kusoo eedeeyeen inay la shaqeyneysay ciidamada dowladda federaalka soomaaliya.

  


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada