Booliska Denmark oo toogtay nin looga shakisanaa inuu ka dambeeyay labadii weerar ee Copenhagen

Booliska Denmark oo toogtay nin looga shakisanaa inuu ka dambeeyay labadii weerar ee Copenhagen

daajis.com:- Booliska Denmark ayaa baaraya nin looga shakisanaa inuu fuliyay labo weerar oo xalay ka dhacday Caasimada Copenhagen, waxaana labadaas weerar lagu dilay labo ruux, halka saddex kalena lagu dhaawacay.

Booliska ayaa heegan buuxa la geliyay, kadib markii goob laga qaxweeyo uu nin hubeysan uu rasaas ku furay, halkaasoo ay ka socotay dood ku saabsaneyd Xoriyadda Hadalka.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, goob joogayaal ayaa sheegaya inay maqleen ilaa labo boqol oo xabadood oo goobta lagu furay, waxaa muuqanayay muraayadaha maqaaxida oo rasaas badan ku taallay.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa ka dhacay goob macbad ah oo ay leeyihiin Yuhuudda, waxaana ku dhintay hal ruux oo Yuhuudda ahaa, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah jaaliyadda Yuhuuda ee Copenhagen.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay labo sarkaal boolis ah, kuwaasoo rasaasta ay ka haleeshay gacmaha iyo lugaha.

Booliska ayaa sheegaya inay toogteen nin hubeysan oo rasaas ku soo riday, gaar ahaan goob aad ugu dhow labadii meel ee weerarada ay ka dhaceen.

Booliska Denmarka ayaa goor sii horeysay soo bandhigay sawirka ruuxa weerarka fuliyay oo da’diisa lagu qiyaasay 25-30, kaasoo qoriga ku watay boorso.

Lama oga illaa iyo hada in weerarkan uu xiriir la lahaa weeraro argagixiso, hase ahaatee waxaa la rumeysan yahay in bartilmaameedka weerarkan uu ahaa ninka u dhashay Sweden oo horay u sameeyay sawir gacmeed lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH).

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Lars Vilks, kaasoo ku sugnaa goobta ay ka dhacday toogashada hore ee ka socotay dooda ku saabsaneyd Xoriyadda Hadalka.

Safiirka Faransiiska u fadhiya magaalada Copenhagen oo ku sugnaa goobta, xilliga ay rasaasta ka dhaceysay ayaa sheegay inuu badqabo.



Bishii hore ayay aheyd markii weerar lagu qaaday xarun wargeys ku taal magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana wargeyskan oo lagu magacaabayay Charlie Hebdo uu horay u daabacay sawir gacmeed lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH), waxaana weerarkaan oo ay fuliyeen labo walaalo ah ay ku dileen xarunta wargeyska ilaa 12 ruux.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada