Daawo Sawirada:- Muqalas Soomaaliyeed oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah

Daawo Sawirada:- Muqalas Soomaaliyeed oo lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah

daajis.com:- Maxkamadda Magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, ayaa 30 sano oo xabsi ah ku xukuntay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Cilmi Muxudiin, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada 336 qof oo tahriibayaal ah Soomaaliyeed iyo Eritrea oo doontii ay saarneyd ku degtay Jazeerada Lampedusa, sidoo kalena galmo qasab ah uu ku sameeyay tahriibayaal.

Maxamuud Cilmi Muxudiin oo 34 sano jir ah, ayaa waxaa sidoo kale lagu helay in uu ku kacay galmo ka dhan ah dumarkii la socday doonida ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga, iyo inuu ahaa qofkii soo raray doonidaasi ee muqalaska ahaa. waxaana lagu qabtay xeebta Lampedusa, illi uu isku dhex qarinaayay tahriiba-yaashii ka badbaaday shilkaasi.

Booliska Talyaaniga, ayaa xabsiga u taxaabay ninkaasi 8-dii bishii November ee sanadkii 2013, xilli doonidu ay quustay 3-dii bishi October.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kooxda La dagaalanka Burcad Badeeda ee Palermo, Geri Ferrara, ayaa sheegay inay Maxkamaddu ka codsadeen in xukun adag lagu rido ninkaasi, isla-markaana ay Maxkamaddu aqbashay in lagu qaado xukun xabsiyadeed oo dheer. Si ay dersi ugu noqoto kuwa kale ee wadadaasi ku taagan.






Boqolaalka ruux ee ku dhintay doonida quustay, ayaa waxay intoodu badan ka soo kala jeedeen dalalka Somalia iyo Eritrea, sida ay xaqiijisay Maxkamaddu.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada