daajis.com:- Ciidamada amaanka Dowlada Kenya ayaa la galiyay heegan buuxa, waxaana jira cabsi ay Dowlada Dalkaasi ka qabto in mar kale weeraro xoogan gudaha Kenya ay ka geestaan Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ee kusugan Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa la kordhiyay kuwaa oo sameenaya roondooyin, waxaa sidoo kale heegan la galiyay lana kordhiyay Ciidamada ilaaliya xarumaha Muhiimka ah ee kuyaala Dalka Kenya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan baahisay muuqaal ku aadan weerarkii ay ku qaadeen xarunta Ganacsi Westgate Mall ee Magaalada Nairobi, waxa ayna ku hanjabeen Shabaab in ay weerari doonaan danaha Reer Galbeedka meel kasto ay suurto gal ku noqoto.

David Obonyo,ayaa sheegay in Al-Shabaab bilaabeen qaabab cusub ay dadka ku cabsi galiyaan kadib markii laga qabsaday Magaalooyin muhiim ah ay kaga sugnaayeen Dalka Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in muuqaalada cabsi galinta ah ay baahiyeen in aysan waxba u dhimeyn.
Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay in ay weerari doonto danaha reer galbeedka waxa ayna si toos ah u shaaciyeen magacyada xarumo ganacsi oo kuyaala Dalalka Mareykanka ,Canada iyo Ingiriiska, waxa uuna Muuqaalka Al-Shabaab uu walaac iyo cabsi badan ku beeray dalal badan ay ku jiraan Kenya, Jabuuti iyo waliba Wadamada ay kooxdu u hajabtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:00 and have
, Published at