daajis.com:- Aabo lagu magacaabo Cabdul xuseen oo u dhashay dalka Hindiya deganna tuulada la yiraahdo Putia ee ku taalla waqooyi bari Hindiya, ayaa lagu eedeeyay inuu rabay inuu dilo gabadha uu dhalay oo toban jir ah.
Aabahaas ayaa la sheegay inuu weligiis jeclaa inuu wiil dhalo mar kastana uu sheegi jiray rabitaankiisaan ayaa maalin xaasiisku u baxday howlo kale isku dayey inuu duugo gabadhiisa oo nool.
Qeylo dhaan ka soo yeereysay, guriga uu deganaa Cabdul iyo xaaskiisa ayaa ku dhalisay deriska inay wacaan booliska degmada Putia, “ waxeyna u sheegeen in uu aabo uu rabo inuu gabadhiisa nolosha ku duugo” iyaga marka oo yimaadayna arkay wax aysan weligoon horay u arkin.
gabadha waxa ay ka xirneyd gacmaha waxa ayna sharooto uga xirneyd afka markii aan u nimid” ayuu yiri askari ka mid ah kuwii ku yimid wicitaankii deriska, waxaase wax yar ka soo horeeyaay booliska gabadha hooyadeed oo aragtay gabadhii oo danbiil madaxa looga daboolay illaa xabadkana ka daboolan.
Booliska ayaa badbaadiyay gabadhan oo lagu magacaabo Ruskshena, waxaana la geeyay isbitaal oo caafimaadkeeda wax looga ogaanayay, waxa ayna hadda la nooshahay hooyadeed iyo ehelada reer hooyadeed, aabaheedna waxaa lagu eedeeyay isku day dil.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at