daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Bixi Yoonis oo saxaafadda la hadlay kdadib markii uu la kulmay wafdi ka socday guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay dalalka dariska ah qaarkood inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada iyaga iyo Soomaaliya u dhexeeya.
“Waxaanu muhiim u aragnaa inay wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay goob-joog ka noqdaan dalal caalamka iyo kuwa gobolka, sida; Britain, Imaaraadka Carabta, Denmark, Sweden iyo kuwa IGAD,” ayuu yiri Yoonis.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan in waddamada wadahadalka lagu soo daro, isagoo meesha ka saaray in dowladda Soomaaliya ay kaligeed xaqiijin karto waxyaabaha lagu heshiiyo.
“Innagu waxaanu doonaynaa in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo daris ah, si walaalnimo iyo daris-wanaag ahna kuwada noolaada,” ayuu yiri Biixi, isagoo xusay in Somaliland aysan marna ka laabanayn gooni-isku-taaggii ay horay u go’aansatay.
Biixi ayaa ugu danbeynti sheegay inay ku faraxsan yihiin in wadahdallada ay goobjoog ka noqdaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, isagoo xusay inay iyaga u muuqan fursad ay dib ugula midoobaan Soomaaliya inteeda kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at