Safiirka Turkiga Somalia u fadhiya oo booqday Baydhabo

Safiirka Turkiga Somalia u fadhiya oo booqday Baydhabo

daajis.com:- Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar , iyo Wafdi uu , ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka iyo wadfigiisa ayaa la geeyay xarunta madaxtooyada maamulka, iyadoo la filayo inuu kormeerro ku sameeyo xaruumo dowladeed oo degmadaas ku yaalla.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa si aad ah u xoojiyay ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afirka ee AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo wafdiga safiirka ayaa lasoo sheegayaa inay hadda leeyihiin kulammo hordhac ah oo uga hadlayaan xaaladda guud ee deegaanada uu ka taliyo maamulkan KMG ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada