daajis.com:- Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in sababta looga soo kabsan la’yahay bur-burkii dalka ku dhacay ay tahay in danta gaarka ah laga horumarinaayo danaha Qaran iyo mida guud, taasina ay tahay mida koowaad ee dalka uu usoo kabsan la’yahay.
“Danta Qaranka markii la helo ayaa danta shaqsiga la helayaa, laakiin beryahaan dadka Soomaalida waxa ay hormarinayeen danta shaqsiga ah, Beero kama sameysan kartid Shabeellaha hoose hadii aadan nabad galyadii iyo jidadkii iyo daryeelka dadka hadaanu jirin, marka waa in danta guud laga shaqeeyo,waxaad moodaa hadda in faham kaan uu soo badanayay, waayo dalkeena Is khilaaf iyo Dano shaqsi ah ayuu u bur buray, marka ilaa dadku ogaado danaha guud in ay ka horeysiiyaan kuwa gaarka ah waxba nooma soconayaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed oo waraysi siiyay warbaahinta Magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:33 and have
, Published at