VIDEO:- Taliyaha Ciidanka Xooga ee Dalka Jabuuti oo Booqasho ku yimid Magaalada Baladweyne

VIDEO:- Taliyaha Ciidanka Xooga ee Dalka Jabuuti oo Booqasho ku yimid Magaalada Baladweyne

daajis.com:-  Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen. Zakariye Sheekh Ibraahim oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Jabuuti ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamo Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM.

Taliyaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Beledweyn Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo mas’uuliyiin kale, waxaana kadib ay kormeereen xeryaha ciidamada Jabuuti ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada Beledweyn.


Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Taliyaha uu u kuur galayo xaalada ciidamada Jabuuti, isla markaana uu ku dhiira gelinayo ciidamada inay sii xoojiyaan howlaha sugida nabadgelyada iyo taageerida shacabka Soomaaliyeed.
Wararka aanu ka heleyno magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka xooga dalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ay goor dhow u gudbeen magaalada Buulo Burde, halkaasoo sanadkii hore ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo ciidamada dowladda kala wareegeen Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa ah tii labaad oo uu Taliyaha guud ee Ciidamada Jabuuti ku yimaado Soomaaliya, iyadoo bishii March ee sanadkii hore uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada