Daawo sawirro:- laga soo qaaday taankiyo & gawaari casri ah oo saaran markabkii lagu qabtay dekedda Berbera dhowaan

Daawo sawirro:- laga soo qaaday taankiyo & gawaari casri ah oo saaran markabkii lagu qabtay dekedda Berbera dhowaan

daajis.com:-Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Gaadiidkii saarnaa Markabkii kusoo xirtay Dekada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaani ay weli ku wadaan baaritaano ku aadan xaqiijinta halka laga soo raray iyo shaqsiga uu u rarnaa markabka.

Saraakiisha Ciidamada Militeriga iyo Booliska Maamulkaasi ayaa sheegay in Gaadiidkaani ay yihiin kuwa inta badan ay adeegsadaan wadamada Ruushka iyo Mareykanka waxa ayna garwaaqsan yihiin in Ujeedka uu ahaa in la suuq-galsho.

Taliyihii hore ee Ciidamada Militeriga Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in Hubka iyo gaadiidka loogu tabaruco Hay’adaha Amaanka maamulka.

Dhanka kale, waxa uu soo jeediyay in Maamulka uu fursad u heysto inuu ka faa’iideysto hubkaasi ka hor inta aan la kala qaadin oo uusan ku baahin magaalada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada