daajis.com:- Peter Greste oo kamid ahaa saxafiyiintii u shaqeyneysay taleefishinka Aljazeera kuna xirnaa dalka Masar ayaa la sii daayay sida ay sheegtay warbaahinta dalka Masar.
Greste oo hore ugu shaqeyn jirey BBCda una dhashay dalka Australia ayaa loo duuliyay dalka Qubrus,isagoo ku xirnaa xabsiyada dalka Masar tan iyo December 2013 laguna eedeeyay in u faafinayay warar been ah ayaa maxkamad ku taal magaalada Qahira waxa ay xukuntay bishii June sanadkii 2014.
Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan labada saxafi Mohamed Fahmy iyo Baher Mohamed ee u shaqeynayay taleefishinka Aljazeer oo weli ku xiran dalka Masar.
Hase yeeshee weriyaashan ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inay faafinayeen warar been abuur ah. Aljazeera ayaa soo dhoweysay sii deyntan Peter waxayna ka dalbatay markale dowlada Masar inay sii deyso labada weriye ee weli ku harsan xabsiyada Masar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:31 and have
, Published at