daajis.com:- Ex Xildhibaanaddii Hore ee Baarlamaankii KMG ahaa ee soomaliya, saraakiil sare ee Ka tirsan Ciidamada Dawladda iyo Qaar ka mid ah Ganacsatadda Soomaliyeed oo manta Shir Jaraa,id ku qabtay Magaladda Muqdisho ayaa ugu baaqay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka soomaliya inay shacbiga ka joojiyaan jahawareerka iyo Khal khalgelinta, islamarkaasna ay xaliyaan Wixii Khilaaf ah ee dhaxdooda ah, ee ka dhaxjira gudaha barlamaanka.
Xildhibanaddaasi, Saraakiishaashaasi Ssar sare iyo Ganacsatadda Soomaliyeed ayaa sidoo kale waxaay ahayeen kuwo siyaasadda dalka ku soo dhaxjiray 1okii Sanno ee ugu dambeeyay Xilal kala duwana ka soo qabtay dalka, waxayna sheegeen in Shirkoodda Jaraa,id ay qabteen uusan aheynin mid ay xil ku difaacanayaan, ama ay xil ku doonaayaan balse uu Yahay oo kaliya inay ka damqadeen dhibaatadda Gaamurtay ee haystadda guud ahaan shacbiga Soomaliyeed ee lagu Qiyaasay 12ka malyuun .
Xubnahaan ayaa sidoo kale waxaay shirkooda Jaraa,id kuxuseen in Baarlamaanka Federaalka soomaliyeed loogaga baahan yahay inay ka damqadaan aaya Xumidda siyaasadeed ee dalka isla markaasna ay dantoodda gaarka ah ka hormariyaan Danta guud iyo maslaxadda Qaranka si ay toodda ugu fusho, balse haddii taasi la waayo ay imaankaro in dalku uu gallo xaalad cakiran.
Waxaay hadalkoodda ku yiraahdeen “Umadda Soomaliyeed waxaa haatan u Bindhaamay Iftiin yar oo Umadda geliyay wax Xogga yididiilo ah sidaas darted waxaan idiinka codsaneynaa in aadan iftiinkaasi la daminin” ayey ku celceliyeen hadalkooda.
Ex Xildhibaan maxamuud geedi Aw-hiloowle, Ex Maxamed Xuseen Raage,Ex Xil.Xuseen sheikh Nuur Xeseen,Ex Xil, Cali Mohamed Husen, S/Gaas Xasan Cali Maxamed oo ahaa Taliyexegeenkii Hore ee NabadsugidaQaranka iyo ganacsade Axmed tifoow oo Shirkaasi Jaraa,id si gaar gaar ah uga hadlay ayaa ku celceliyay waajibadka iyo xilka balaaran ee Dusha ka saran Xubnaha golaha Baarlamaanka iyo sida loogaga fadhiyo in ay u ansixinlahaayeen Xukuumadda Cusb ee uu soo magacaabay R/Wasaare Cumar cabdi rashiid, iyagoo ugu baaqay inay si shuruud la,aan ah u ansixiyaan.
Xubnahasi waxaa kaloo ay xuseen in R/wasaare Dr Cumar cabdi rashiid uu soo magacaabay Xukuumad ka kooban 20 Wasiir , culeeysyo badan oo aad saarteen darteedna uu haatan markale codsaday in aad fursad u siisaan in uu soo magacaabo wasiirkuxegeeno iyo wasiirul dawlayaal muddo 10 Beri ah sidaasi awgeed waxan idinku baaqeynaa in marka uu soo dhameystiro aad ansixisaan Xukuumadda si ay dalka iyo dadka wax ugu qabato una gaarsiiso Higsiga 2016ka sida uu qorshuhu yahay.
Xubnahaan manta shirka Jaraa,id ku qabtay magaaladda muqdisho ayaa ugu baaqay shacbiga soomaliyeed inay ilgaar ag u eegaan ciddas ka horimaaneysa ama ka hortaagan maslaxadda qaranka, waxayna sidoo kalae ku gubabiyeen in ay si gaar ah ula socdaan Xubnaha golaha baarlamaanka ee caadeystay inay geliyaan dalka qalalaase siyaasadeed iyo hakinta horumarka dhanka nabadda iyo cadaaladda.
Xubnahaan ayaa xusay una sheegay xubnaha Baarlamaanka inay siyiin kuwii doortay Madaxdda sare ee dalka, sida madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka, iyo Raiisul wasaraha, taas ayaana ah tan xasaanadda laidiin siiyay , “ waxayna hadalkooda ku yirahdeen Imtixan ayaad ku jirtaan waxana idiineegaya shacbiga soomaliyeed sida aaad uga gudubtaan, iyadoo leydiinkaga baahan yahay in aad ilalaisaan sharaftiina iyo karaamadiina, aadna dhawrtaan Kitaabkii aad horay ugu dhaarateen ee aad u shaqeysaan dalka iyo dadka.
Ugu dambeeyntii Xubnahaan manta qabtay shirka jaraa,id ayaa ugu baaqay R/wasaraha xukuumadda Federaalka soomaliya in uu soo dhameystiro xukuumadda inta ka dhiman isla markaasna uu soo magacaabo xubno Aqoon iyo karti u leh hawlaha loo egmaday dadka iyo dalka kasamatabixinkaro dhibaatadda gaarsiina karo horumar iyo baraare.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at