daajis.com:- Doowlada Ethiopia oo galaan gal siyaasadeed ku leh arimaha Soomaaliya, ayaa markii ugu horeeysay war kasoo saartay Markabka Hubka sida ee isbuucii hore maamulka Somaliland ku qabteen dekeda magaalada Ber-Bera.
Brig Jen Herbe, oo ah Ambasadorka Ethiopia u fadhiya Hargeysa, oo shalay shir jaraaid ku qabtay Hargeysa, ayaa ka hadlay arinta markabkaan.
Ambasadorka Ethiopia u fadhiya Hargeysa, ayaa shegay in saacadaha soo aadan ay go’aan adag kasoo saari doonaan arinta Markabka iyo halka uu ku wajahnaa.
“Waxaan wadnaa baaritaano aan ku sameeyneeyno Markabka iyo shaqaalaha saaran, waxaan ogaaneenaa ujeedka Markabka, cida uu u rarnaa iyo maslaxada S/land ugu jirta xiligaan ineey hesho hub tayo leh” ayuu yiri Breg Jen Herbe.
“Waxaa halkaasi noogu sugan saraakiil soo qiimeeysa arinta Markabka iyo waxa saaran”.
“S/land kama aanan wada hadlin, sabab aan u weydiinana majirto, waa howl iyaga u taala, hadii ay arimo saameyn leh qabaan weey nala wadaagi karaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Maamulka Somaliland, ayaa wali baaris ku wada Markabkan Hubka wada ee sida sharci darrada ah ugu soo xirtay dekeda Ber-Bera.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at