daajis.com:- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu dilay mas’ uuliyiin ka tirsan shaqaalaha garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka dhacay agagaarka garoonka, iyadoo weerarkaan lagu dilay Afar qof oo uu ku jiro darawalka Sedax mas’ uul oo ka tirsan waaxda duulimaadka garoonka Muqdisho.
Dil wadareedkaan ayaa waxaa geystay kooxo ku hubeysnaa gaadiidka nooca raaxada ah, waxayna mas’ uuliyiintaan xiligii la dilayay ay ka yimaadeen garoonka Muqdisho oo ay kasoo baxeen shaqada.
Magacyada Saddexda Sarkaal iyo Darawalkoodii ayaa kala ahaa, 1. Abuukar Caddaani, Agaasimaha Gaadiidka Hawada Soomaaliya, 2. Maxamed Axmed Haaruun, Maareeyaha Hagidda Hawada, 3. Maxamed Kadiye Jimcaale, Maareeye ku xigeenka Duulista Hawada iyo 4. Xuseen Hilowle Caddaan oo ahaa darawalkii gaariga saddexda sarkaal.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’ uuliyadda dilka seddaxda saraal iyo darawalkooda.
“Ciidamadeena gaarka ah ayaa fuliyay dilka saddexda sarkaal ee DFS ka tirsnaa, waana sii wadi doonnaa ugaarsiga aan ku hayno xubnaha dowladda,” ayay Al-shabaab ku sheegtay warbixin ay soo saartay.
Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay kooxo hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay xaafada Tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley ay ku dileen sarkaal ka tirsan wasaaradda qorsheynta oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Siyaad.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:16 and have
, Published at