Gudoomiye Siidii “Alshabaab mar ayeey ku sigteen ineey nolosha igu qabtaan “

Gudoomiye Siidii “Alshabaab mar ayeey ku sigteen ineey nolosha igu qabtaan “

daajis.com:- C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, oo ah gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose, oo Wareysi siiyay Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in Al-shabaab ay Dhaawaceen tiro Dhowr Jeer ah,Weeraro ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

images (1)C/qaadir Maxamed Nuur ayaa Xusay in ilaa 4 Jeer ay Dhaawaceen Shabaab islamarkaana uu ka badbaaday Weeraro iskugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah oo Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku dilaan sida uu sheegay.

“Waxaa jiray Qataro badan oo iga soo wajahay Al-shabaab laakiin aan ka badbaaday.Al-shabaab Xitaa mar ayey Nolosha igu qaban rabeen”ayuu yiri Siidii.

Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday in Dhaawacyadii ka soo gaaray Al-shabaab uu dalka dibadiisa u aaday gaar ahaan Dalka Jarmalka,halkaas oo iskaga soo daaweeyay.


Waa markii ugu horeysay oo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose uu ka hadlo Dhibaatooyinkii ka soo gaaray Al-shabaab,waxaana Warbaahinta uu u Xog-waramay ay noqotay mida Al-shabaab.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada